Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Looga Digay Dilka Wadaad U Ololeeya Xuquuqda Aadanaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Suura galinimada in ciidanka amniga Sacuudiga ay daldalaan wadaadka u xidhan dowlada ee lagu magacaabo Salmaan Al-Cowdah ayaa waxaa ka digay wiilka uu Dhalay.

156580249530afd.jpg

Warbixin uu daabacay wargeyska the Guardian ee ka soo baxa UK ayaa Cabdulaahi Al-Cowdah wuxuu sheegay in ay dhici karto in aabbihii la Daldalo.

Mr Cabdullaahi ayaa intaa raaciyay in boqortooyada Sacuudiga ay dooneyso inay afka qabato siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee u ololeeya xuquuqda Aaddanaha.

Wadaadkaan ayaa bishii September ee sanadkii 2017-dii waxaa xidhay ciidanka Amniga kadib markii uu soo jeediyay in la xaliyo khilaafka Sacuudiga iyo Qatar.

Bishii July ayaa dib loo dhigay xukun ay gaari laheyd maxkamada Sacuudiga ilaa bisha November, iyadoo dacwad soo oogayaasha Sacuudiga ay dalbanayaan in la daldalo Shiikh Salmaan Al-Cowdah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this