Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo weydiistay madaxweynaha Shiinaha in uu kulan la yeesho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa weydiistay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping in uu la qaato kulan ay kaga wada hadlayaan xasaradda siyaasadeed ee ka taagan Hong Kong.

Mr Trump ayaa Qoraal uu barta Twitter-ka soo geliyay , waxaa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay madaxweyne Shiinaga marka laga hadlayo xal u helidda qalalaasaha ka aloosan Hong Kong, kaddib markii ay mudaharaadyo waaweyn ay halkaas ka dhigeen shacabka reer Hong Kong ee dimuqraadiyadda u ololeynaya.

Waxaan rumeysanahay in madaxweyne Xi uu xaaladda si deg deg ah u xallin doono iyadoo la ilaalinayo xuquuqda adaanaha” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump isagoo xusay Mr in Xi Jinping uu yahay hoggaamiye wanaagsan oo ay si weyn dadkiisa u qaddariyaan.

Hadalka Madaxweyne Trump ayaa ku soo beegmaya, asbuucyo kaddib markii dibadbaxyo rabshado watay ay ka dhaceen Hong Kong,kuwaasi oo horseeday in la hakiyo duulimaadyadii caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha Hong Kong.

PUNTLAND POST

The post Trump oo weydiistay madaxweynaha Shiinaha in uu kulan la yeesho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this