Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharax ka mid ah kuwa Jubbaland oo baaq u jeediyay Xildhibaanno ku sugan Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (PP) ─ Musharrax ka tirsan kuwa u tartamaya xilka madaxnimo ee Jubbaland ayaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ku eedeeyay inay fara-gelin ku hayaan maamulka Jubbaland, isagoo codsaday in xildhibaannadaas ay dib ugu laabtaan Muqdisho.

C/naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in Jubbaland aysan u baahnayn xilligan fara-gelin, balse loo baahan yahay in gacan lagu siiyo sidii ay marxaladda ay ku sugan tahay uga gudbi lahayd, isagoo sheegay in ciddii aan Jubbaland wax ku kordhinayn ay dhibkeeda ka dayso.

Sidoo kale, Musharraxa ayaa sheegay in xildhibaannada ka tirsan DF ay ku fashilmeen shaqooyinkii loo igmaday, isla markaana ay doonayaan inay DF kala dagaalamaan Kismaayo, isagoo xusay inaysan aqbalayn arrintaas.

“Dowladda Federalka ah in Kismaayo lagala dagaallamo ka aqbalayno, mana yeelayno. Senator-rada ka yimid Xamar, waxaan ugu baaqayaa inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda oo aysan sii hurin xaaladda ka taagan Jubbaland,” ayuu hadalkiisa ku daray musharrax C/naasir Seeraar.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa shalay gaaray senator-ro ka tirsan kuwa DF, kuwaasoo kuwaasoo intooda badan ka mid ah xildhibaannada kasoo horjeeda hoggaanka sare ee Dowladda Somalia, waxayna ka tirsan yihiin xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ka jira.

“Senator-rada ku sugan Kismaayo waxaa ka mid ah Cumar C/rashiid Cali iyo C/raxmaan Faroole, waxaana uu ugu baaqay inay fara-gelinta ka joojiyaan dowlad-goboleedka Jubbaland, loona madax-banneeyo inay aayaheeda ka tashato,” ayuu hadalkiisa ku daray musharrax C/naasir Seeraar.

Dhinaca kale, Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in inta badan deegaannada Jubbaland ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, wuxuuna Ciidamada Jubbaland ka dalbaday inay amniga adkeeyaan, aysanna ku mashquulin xaaladaha ka taagan Kismaayo.

Ugu dambeyn, Musharraxa madxweynaha Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax ayaa horay u ahaa la taliyaha madaxweynaha Jubbaland, inkastoo uu khilaaf soo dhex-galay, wuxuuna xildhibaannada aqalka sare ee DFS ka tirsan ugu baaqay inay horumarka iyo difaaca dalka gacan-siiyaan oo aysan qayb ka noqon xmurannada jira. Iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay hadalkaan ka bixiyeen xildhibaannada aqalka sare ee gaaray Kismaayo.

PUNTLAND POST

The post Musharax ka mid ah kuwa Jubbaland oo baaq u jeediyay Xildhibaanno ku sugan Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this