Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqoonsiga wasaaradaha DF oo markale laga joojiyay waddada Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay in wadada horumarta madaxtooyada Soomaaliya lagu soo maro aqoonsiyada wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan shaqsiyaadka wata gaadiidka nuucyadiisa kale duwan.

Mas’uuliyiin ka tirsan shaqaalaha dowladda oo wata gaadiidka raaxada ayaa Caasimada Online u sheegay in laga soo billaabo dorraad ilaa maanta la diiday in wadadaasi ay hormaraan gaadiidka shaqaalaha dowladda.

Dhammaan wadadan hormarta madaxtooyada Soomaaliya lagama mamnuucin gaadiidka balse waxa kaliya laga diiday in ay ka soo galaan kontaroolka Godka Jilacow lamana oga sababta arintaan keentay.

Lama filayo in go’aankaan uu ka soo baxay ciidamada Koofiya Casta ee madaxtooyada balse waxaa la aaminsan yahay in uu yahay amar kale oo ka yimid hey’adaha ammaanka Soomaaliya islamarkaana ay qaadan doonto dhowr maalmood.

Warar kale ayaa sheegayaa in ay jirto digniin dhanka ammaanka ah oo ay soo saareen saraakiisha amaanka Soomaaliya, taas oo sheegeysa in Al-Shabaab ay qorsheeyeen in ay weerar ku qaadaan xarunta Godka Jilacow ama kontaroolka laga galo Godka Jilacow ee taalada Daljirka Daahsoon.

Shaqaalaha wasaaradaha dalka ee gaadiidka wata ayaa maanta iyo shalay ka soo wareeganayay dhanka Ceel-Gaabta waxaana dhacda in waqtiyada qaar halkaasi loo diido.

Al-Shabaab ayaa hore weerar qarax ismiidaamin ah loo adeegsaday waxay ugu qaadeen kontaroolka Godka Jilacow iyagoo halkaasi ku dilay dad badan oo shacab ah, waxaana dadkaasi ku jiray Faadumo Cali Raage oo ka tirsaneyd saraakiisha milateriga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this