Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo soo rartay xaruntii canshuur qaadista ganacsatada dekeda Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa aad magaalada Muqdisho ugu soo dhoweysay xarunta ay canshuurta uga qaaddo ganacsatada dekedda magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ganacsatadan oo markii horre loogu yeeri jiray lacagtana looga qaadi jiray deegaanka Mubarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa hadda lacagta looga qaadaa deegaanka Ceelsha Biyaha oo aad ugu dhow Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Al-Shabaab u bedeshay xaruntii canshuur qaadista, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay ugu wacan tahay ciidamada dowladda oo qabsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Awdheegle, sidaas darteedna ay soo gashay cabsi ah in dowladda kusoo socoto Mubaarak.

Tobaneeyo ka mid ah ganacstada dekedda Muqdisho ayaa talaadadii la isugu geeyey quracyo ku yaalla banaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo lacagta looga qaaday, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah gacanstada halkaas tagtay ee lacagta bixiyey, balse codsaday inaan magacyadooda la shaacin.

Dowladda Soomnaaliya ayaa u muuqatay inay arrintan ka war-haysay, waxaana dhammaan dadweynaya baabuurta looga dejinayey laguna baarayey Siinka Dheer, ayaga oo la weydiinayey inay wadaan lacag dollar ah iyo in kale iyo inay u socdaan inay canshuur soo bixinayaan iyo in kale.

Si kastaba, inta badan dadka ayaa la iska sii daynayey ayada oo ay adkeyd in lagu caddeeyo inay u socdaan canshuur bixin, islamarkaana ganacsatada badankood ay lacagaha ku bixinayeen siyaabo kale, sida taleefon lagu tuuro ama account bank ay toos ugu shubayeen. Qaar ka mid ah ganacstada ayaa sidoo kale halkaas u tagayey kaliya inay soo qaataan go’aanka inta ay la egtahay lacagta laga rabo kadibna dib ka bixinayaan.

Ganacstada ayaa waxaa laga qaadayey lacag kala ah 100 iyo 160 dollar halkii konteenar ee dekedda uga soo dega. Konteenarada yaryar ayaa waxaa laga qaadayey 100 dollar midkiiba, halka kuwa waa weyn lagu soo rogay 160 dollar.

Ganacstada ayaa sidoo kale lagu qasbay inay bixiyaan dhammana canshuurta konteenaradii usoo degay afartii bil ee lasoo dhaafay oo kasoo billaabata bishii April. Ma cadda sababta, Al-Shabaab u qaadatay go’aanka ah in la bixiyo canshuurta afarta bil.

Ganacstada ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay u muuqatay inay haysay xogta dhammaan tirada konteenar ee usoo degay, sidaas darteedna ay badankood ka cabsadeen inay been sheegaan.

“Mar ayaan isku dayey inaan iraahdo waxaa isoo degay kaliya 4 konteenaro aniga oo is-leh hal meesha ka saar, balse qofkii canshuurta qaadayey ayaa igu yiri, waxaa lagu laabanaa diiwaanka, haddaa been sheegto iska jir” ayuu yiri ganacsade la hadlay Caasimada Online.

Ilaa iyo hadda ma cadda sida Shabaab ku hesho alaabta kasoo degto dekedda Muqdisho. Inkasta oo dadka qaar rumeysan yihiin in xogta ay bixiyaan shaqaalaha dekedda qaarkood, haddana ganacstada qaar ayaa rumeysan in xogta ay bixiyaan ganacsatada waa weyn ee iska leh ama ay u kireysan yihiin maraakiibta soo qaada konteenarada.

Ganacsatada ayaa lasoo siinayey receipt ama warqad caddeyn u ah inay bixiyeen canshuurta. Waxaana kadib loo sheegayey in haddii ay ka baqayaan dowladda warqadda iska tuuraan oo ay ka qortaa kaliya lambarka, si marka la weydiiyo inay lacagta bixiyeen iyo in kale ay caddeyn ugu noqoto.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadihii dhowaa aad sare ugu qaadday dakhliga kasoo gala magaalada Muqdisho, waxaana adkaan doonta in laga adkaado inta ay sidan lacag ugu soo galeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this