Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Laamaha Garsoorka gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay laamaha Garsoorka iyo Maxkamadaha gobolka Mudug.

Diktreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo loo cuskaday Tala-soojeedinta guddiga sare ee Garsoorka dowladda Puntland ayaa lagu magacaabay mas’uuliyiinta laamaha Garsoorka iyo Maxkamadaha gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa Maxamed Cismaan Aadan u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Mudug halka uu Cabdinaasir Maxamed Cali u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Mudug.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa magacaabay laba Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka gobolka Mudug kuwaasi oo kala ah Cabdifitaax Maxamed Maxamuud iyo Cabdicasiis Maxamed Faarax.

Waxaa kale oo uu magacaabay laba garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Mudug kuwaasi oo kala ah Maxamed Maxamuud Jaamac iyo Ciise Cabdi Daahir halka uu Xeer ilaaliyaha gobolka Mudug u magacaabay Cabdisalaan Muuse Cali.

Hoos ka akhriso dikreetada madaxweynaha

yyyyyyyyyyyyyyy.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Laamaha Garsoorka gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this