Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dhaawaca 3 sarkaal oo sababay in Al-Shabaab ku jabaan dagaalkii Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maanta waxay khasaare xoog leh kala kulmeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan degmada Awdheegleee gobalka shabeelada hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa noo sheegay in Al-Shabaab tirada badan ee dhimashada ah ay keentay kadib markii ay isku dayeen in ay qaataan 3 sarkaal oo dhaawacyo culus uu ka soo gaaray dagaalka.

Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ugu culus uu ka dhacay halkii ay ku sugnaayeen 3-da qof ee Shabaab ka dhaawacmay, kuwaas oo loo arko in ay yihiin xubno sare balse waxaa la sheegay in markii dambe Al-Shabaab ay toogteen markii ay qaadi waayeen dhaawacyada xubnahaasi.

Awdheegle maanta waxaa ka dhacay dagaal lagu riiqmay oo qaatay saacado badan iyo qaraxyo gaaraya ilaa 3 qarax oo ismiidaamin ah, kuwaas oo la sheegay in meel banaanka ka ah xarunta ciidamada lagu qarxiyay.

Al-Shabaab ayaa juhdi iyo xoogba isugu geeyay sidii ay u qabsan lahaayeen Awdheegle balse waxaa la sheegayaa in milateriga Soomaaliya ay halkaasi ka sameesteen difaacyo adag oo aan laga dhaqaajin karin.

Dagaalkii ka dhacay Awdheegle ayaa waxaa ku jiray ciidamada 14-ka october oo dhawaan lagu wareejiyay Awdheegle, Bariire, Sabiid iyo Caanoole iyagoo hore u heestay degmada marka ee gobalka Shabeellada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this