Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xildhibaanada mucaaradka DF oo Kismaayo u tagay taageerada Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray laguna soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada oo uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi u tageen sida ay gooboog ka noqdaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo tan Madaxweynaha.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa saddex qodob inay ku weyn tahay ku sheegay socdaalka ay ku tageen taas oo la xiriirta doorashada Jubbaland, waxaana ay kala yihiin.

  1. In hey’adaha Dastuuriga ah ee dawlad federaalku gaar ahaan hey’adda sharcidejintu oo aan ka tirsanahay ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland.
  2. U kuurgalidda habsami u socodka hanaanka iyo Geedi-socodka doorashada Jubaland ka dhacaysa maalmaha nagu soo fool leh.
  3. In aan dhiiragalinno nabadda iyo xasiloonida Jubaland In la ilaaliyo.

Doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubbaland ayaa sanadkaan ka duwan doorashooyinkii hore,waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu markaan dareemayaa loolan adag wallow wax walba isbeddeli karaan.

68751969_1606330036167596_56487321830162 67879482_1606329989500934_73242256055226 68479875_1606329996167600_19744743251383 68410655_1606330052834261_65678458041516

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this