Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/Banaadir oo damaanad qaaday bixinta mushaarka agoonta dadkii ku dhintay qaraxii gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dammaanad qaaday in aan la joojin doonin mushaaraadkii ay qaadan jireen dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay aqalka dowladda Hoose, si loogu daryeelo agoontii ay ka tageen.

Sii-hayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeen maamulka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere)  oo kulankaan  garab istaagga  ah  u sameeyey agoontii ay ka tageen dadkii ku shahiiday Qaraxii argagixiso ee 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, ujeedada kulanka ayaa aheyd in lagu muujiyo sida maamulka Gobolka ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo dareelka agoontaas.

Sii hayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xog wareysi uu ugu kuurgalayey xaaladda agoonta mid mid ula yeeshay carruurta kulanka loo sameeyey, mudane Ibraahim Dheere ayaa  mar kale uga tacsiyaddeeyey agoonta in waalidiintooda ay ku dhinteen iyagoo u adeegaya ummaddooda, taasna ay sharaf iyo cisi u tahay iyaga iyo caa’illadooduba.

Guddoomiye Ibraahim Dheere ayaa sheegay in inta uu joogo xafiiska uu dadaal xooggan ku bixin doona joogteynta daryeelka Agoonta, isla markaana ay si wadi doonaan bixinta  mushaaraadkii ay qadan jireen waalidiinta Agoontan.

Tallaabadan ayaa ah mid ugub ah, tan oo masuuliyad gaar ah saareysa dhammaan masuuliyiin kala duwan ee dowladda gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir.

Agoonta kulanka ka soo qeyb-gashay ayaa soo dhoweeyey tallaabadan kuna tilmaamay mid muujineysa beni’aadannimo danqasho, loona baahan yahay in cid walba oo masuul ah ay sidaas oo kale u qaaddo tallaabooyin lagu daryeelayo ubadkii ay ka tageen dadkii mudada dheer u adeegayey shacabka caasimadda.

67722352_2421278514791973_70653366635258 67781283_2381976068735280_82737962227335 67902016_377457496301564_159476430667776 67917711_390262308299495_618935276037944 67960549_404460580179508_449427786471099 68320738_1152831971571331_99966936631423 68430588_357484698532541_311337504215138 68462044_649161785592534_828307854470833 68482756_2576084819285661_44138997464946 68489670_2334735846747848_37979975578927 68672593_733542070414431_472765842900123 69019141_692978221127697_219012667747493

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this