Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay agaasime-waaxeedyo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay saddex agaasime-waaxeed oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland.

Beexaani Axmed Barre ayaa madaxweynuhu u magacaabay agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada (IDP’s& Refugee) ee wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland.

Sidoo kale, Hodan Siciid Xassan ayaa madaxweynuhu u magacaabay agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee wasaaradda, halka uu Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud u magacaabay agaasimaha Waaxda Nabadeynta iyo Dib u-heshiisiinta wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland.

Hoos ka akhriso dikreetada madaxweynaha

1111-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay agaasime-waaxeedyo cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this