Sign in to follow this  
Deeq A.

Jadwalka doorashada guddoonka barlamaanka & madaxweynaha Jubbaland oo la soo hormariyey.

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in isbedel lagu sameeyey hab sami u socodka doorashooyinka Jubbaland iyadoona maalinimada Khamiista ah ay bilaabi doonaan diiwaangelinta musharixiinta.

Gudiga ayaa sheegay in maalinimada Jumcada ah ay dhici doonto doorashada guddoonka barlamaanka ee Jubbaland, halka maalinimada Sabtida ah oo Taariikhdu ku beegan tahay 18 Agoos ay barlamaanka cusub ee Jubbaland dhegaysan doonaan khudbadaha musharixiinta.

Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa ay qabsoomi doontaa 19-ka bisha Agoos iyadoona horay qorshuhu u ahaa in doorashada madaxtinimadu ay dhacdo 24-ka bishaan.

AKHRISO

Jadwalka.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLANDPOST

The post Jadwalka doorashada guddoonka barlamaanka & madaxweynaha Jubbaland oo la soo hormariyey. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this