Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey weerarkii Awdheegle iyo khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday.

In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi iyo dagaalka xigay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Gacal Cabdulle oo ahaa Sawir qaade ka tirsan Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, balse waxaa weli gacanta ku haya Awdheegle ciidamada dowladda oo todobaadkii hore Al-Shabaab kala wareegay degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this