Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shababa oo war kasoo saaray qaraxii iyo weerarkii Awdheegle & sida loo fuliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar qarax ku billowday oo ay ku qaadday ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda ku sheegay in khasaara lixaad leh ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen weerarka.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidankada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weeraradan oo loo adeegsaday laba kamid ah gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay, laguna dilay dhowr askari.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in tiro ay ku sheegtay tobonaan askari oo ah askar iyo saraakiil ay ku dileen weerarka. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda weli wax war ah kama soo saarin weerarka iyo dagaalkii xigay.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this