Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Facebook oo bilowday inay dhegaysato codadka ay isu duubaan macaamiisheedu.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Facebook ayaa shaqaalaysiisey boqolaal qandaraas layaal ah si ay u dhegaystaan wada sheekaysiyada codka ah ee ay adeegsadeen macaamiisha shirkaddaasi sida ay werisey warbaahinta Maraykanku.

Qandaraaslayaashu waxay tijaabinayeen awoodda sirdoonka macmalka ee shabakada bulshada si ay u tarjumaan farriimaha iyo kuwa kale ee adeegsadayaashu ay ku sameeyeen App-ka Messenger ee Facebook kuwaas oo qoraalka ka doorbida codad isdhaafsiga.

Facebook ayaa la sheegay inay aad u adkaysay macluumaadka dadka isticmaala shirkadaasi, waxaana ay garawsatay warbixin ay horay u soo gudbisey Bloomberg oo u sheegtay wakaaladda wararka warbixin qoraal ah oo ay ku sheegtay in lagu sameeyay dadka adeegsada shirkaddaan inkastoo ugu dambayn la joojiyey tijaabadaasi.

“Sida Apple iyo Google, waxaan joojiney fiirinta aadanaha ee maqalka wax ka badan toddobaad ka hor,” ayey tiri shirkadda Facebook oo aan ka jawaabin falcelin kaga timid wakaaladda wararka ee AFP.

PUNTLANDPOST

The post Shirkadda Facebook oo bilowday inay dhegaysato codadka ay isu duubaan macaamiisheedu. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this