Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Kulmiye oo kulan duco iyo dardaaran ah u sameysay Injineer Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa kulan Duco iyo Dardaaran ah iskugu yimi bulsho weynta Soomaaliyeed ee dalka kenya, Kulankaasi oo loogu duceynayey gudoomiyihii hore gobolka Banadir ahaana Duqo muqdisho Mudane Cabdiraxmaam Cumar Cismaam Eng Yariisow iyo dhammaam masuuliyiintii kale ee kula geeryootay mashqadii gobolka Banadir ka dhacday 24 bish luulyo 2019.

Kulankaasi waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Xildhibaanada labada aqal, wasiiro ka tiran golaha xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, Waxaa kaloo kasoo qeyb galay Wasiiro Hore, Xildhibaano Hore, Danjirayaal Hore Iyo Saraakiil Sar sare oo xooga dalka Soomaaliyeed ah.

Kulanka intiisa badan waxaa loogu duceeyey marxuumintii ku geeryooday qaraxii ka dhacay gobolka Banaadir Waxaa kale kulanka inta uu socoday masuulyiinta khudbadaha jeedinayaa ay la dardaarmeen Ducada kadib xukuumada iyo Shacabka Soomaaliyeed si arintaa oo kale mar danbe aysan u dhicin isla markaasna jawaab waafi ah loo helo wixii gobolka ka dhacay.

Ma aheyn wax la aqbali karo ina gobolka Banadir oo ah xaruunta labaad ee Calanka jamhuuriyada uu suran yahay markii laga soo tago Xaruunta kowaad jamhuuriyada Filla Soomaaliya, in si sahal ah inta loo galo masuulyiin qiimaha ay qaranka ugu fadhiyaan la ogyahay in si fudud loo laayo kadibna afka la qabsado wax la aqbali karo ma ahan.

Intaa kadib waxaa ay musliyiinta iyo shacabka soomaaliyeed ee kulan ducada iyo dardaaranka ah iskugu yimi ay iskula dardaarmeen in nabaad iyo midnimada umadda Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Gudoomiyaha Madasha Kulmiye Mudane Cabdullaahi Mahdi ayaa u mahadceliyey dhammaan shacabka iyo Masuulyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay kulan Ducada iyo Daraaranka ah ee ay Madasha Kulmiye soo qabanqaabisay.

67827923_286008425597078_159589074345551 67956704_378179296151095_424614681935819 67889762_487182008761918_439226469914456 67924546_491953184913539_880875821933894 68740004_699474790525009_891653868417030 67885707_740952186347850_485284009986123 68998941_948032565567527_386172913019414 68770674_1408557179282427_12200965239881

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this