Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga Dalka oo shaaciyey in la dhaawacay Sheekh Cali Dheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo saacado qaatay oo dorraad ka dhacay degaanka Shaam oo hoos-taga degmada Adheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

Dagaalkaan ayaa waxaa u dhaxmaray ciidamada milateriga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar, ururka 66aad hurintiisa 3aad ee qaabilsan sahanka iyo gaaf-wareegga islamarkaana u tababaran sida kumaandooska Soomaaliya.

Militariga dowladda ayaa sheegay in ugu yaraan 17 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhinteen howl-galka, islamarkaana ay ku dhaawacmeen xubno uu kamid yahay Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo ah af-hayeenka Al-Shabaab.

Warka dhaawaca Cali Dheere ayaa waxaa shaaciyey idaacadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee SNA Radio.

Idaacadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhawaaca Cali Dheere uu yahay mid culus, islamarkaana lagu hayo degaan hoosyimaado Degmada Kuntuwaareey Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada ciidamada qalabka sida ee dhaawaca Cali Dheere. Sidoo kale, kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan.

Sida ay wararku sheegayaa Al-Shabaab ayaa ka war helay dagaal xoog leh oo loo adeegsaday hub culus iyagoo galbaniyay kolonyo gaadiid ah uu la socda af-hayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere waxaana la sheegayaa in aysan Al-Shabaab ciidamada dowladda ku ogeyn degaanka oo loo galay wado ku taala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this