Sign in to follow this  
Deeq A.

Barnaamijka Galka Baadhista Oo Fashiliyay Qaabka Ay Al-Shabaab Ku Dhex-gasho Ugana Dhex-Shaqeyso Dawladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Barnaamijka Galka Baadhista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay leeg tahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya.

Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019.

Waxyaabaha yaabka leh ee barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Al-Shabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda hore ugu jiray.

Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilican yahay, sida in loo hanjabo carruurtiisa ama qof uu jecel yahay, halkan hoos ka DAAWO barnaamijka oo soo jeedinayo Haaruun Macruuf

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this