Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawooyin Wax Ka Taraya Cudurka Epola Oo La Tijaabiyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Waxa mar dhow suurtagal ah in laga hortago oo la daaweyo Cudurka Epola ka dib markii tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen horumar macno leh oo la xidhiidha in 90% ay badbaadin karaa bukaanada qaba cudurkaasi.

llbb333.jpg

Seynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo ka socda Mac-hadka qaabilsan cudurada Xasaasiyadda iyo Caabuqa(Allergy and Infectious ) ayaa sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 la ogaaday in ay awood u leeyihiin difaaca unugyada jirka ee uu haleelo cudurka Epola.

Afar nuuc oo daawooyin ah ayaa lagu tijaabiyay bukanno qaba cudurka Epola oo reer Koongo ah, halkaasi oo ah meeshii uu ka dillaacay cudurkasi, waxaana dib loo dhigay ama la celiya daawooyinka ZMapp iyo Remdesivir ka dib markii la ogaaday inay ka saameyn yar yihiin tijaabinta daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 .

Saraakiil xagga Caafimaadka ah ayaa sheegay in daawooyinkaasi ay wax ka tari doonaan cudurka Epola, isla markaana 90% ay ku badbaadi doonaan dadka reer Koongo ee uu haleelay cudurkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this