Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday Soomaaliyeed oo Deeq Waxbarasho ka Heley Masar oo Lagu Soo Dhaweeyey Halkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo guddiga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa munaasabad Soo dhaweyn ah u sameyay 57 arday oo ka mid ah ardaydii u fadhiisatay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2017/2018 oo deeq waxbarasho ka helay dalka Masar.

Munaasabada ayaa waxa joob joog ka ahaa Aagaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaaciil Yuusuf Cismaan masuuliyinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar gudiga ardayda Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo lagu casumay .

Agaasimaha tacliita sare ee wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda Soomaaliyeed u rajeyay guul iyo in ay ka soo dhalaalan waxbarashadooda ah.

Dalka Masar ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada dhanka waxbarashada ka taageera Soomaaliya,waxaana jira arday badan oo Soomaaliyeed,kuwaasi oo si lacag la’aan ah wax uga barta dalkaasi Masar,waxaana soo wehliya wadamada Suudaan iyo Turkiga.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this