Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Koonfurta Kuuriya oo ciidamo dheeriya u soo diraysa Xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysa in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap.

Wakaaladda ayaa ka soo werisay saraakiisha ciidamada badda kuuriyada Koonfureed in ciidanka dheeriga ah lagu xoojinayo hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya islamarkaana ay halkaasi joogi doonaan mudda lix bilood ah oo ka bilaabmata bisha September ee sannadkan 2019.

Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa hore xeebaha Soomaaliya uga joogay maraakiib dagaal oo qeyb ka ah hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Koonfurta Kuuriya oo ciidamo dheeriya u soo diraysa Xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this