Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Mareykanka Oo Difaacday Howl-gallo Lagu Beegsay Dad Si Sharci-darro Ah Ku Joogay Dalkaasi.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Sii-hayaha xoghayaha Amniga Qaranka Maraykanka ayaa difaacay howlgallo lagu soo qabtay boqlaal qof oo ka mid ah dadka sida sharci-darrada ah ku joogay Maraykanka.

34b55521-31f9-4f6e-b166-36a24f426949_w10

Howlgalkan ayaa lala beegsaday qaar ka mid ah warshadaha cuntada farsameeya ee gobolka Mississippi.

Laakiin ku simaha xafiiska amniga qaranka Kevin McAleenan ayaa qirtay in wakhtiga lagu soo beegay hawlgalkan uu ahaa mid khaldan.

Howlgalka ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib markii nin hubaysan uu magaalada El Paso ee gobolka Texsas uu toogasho ku dilay 22 qof oo u badan dadka ka soo jeeda Laatiin Ameerika.

McAleenan ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay 680 qof,kuwaasi oo 200 oo ka mid ah ay hore u galeen fal dambiyeed iyada oo dib loogu celin doono dalalka ay ka soo jeedaan.

Dadkan ayaa u badan dadka ka soo jeeda Laatiin Ameerika ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this