Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaxal-Sugaha Imaaradka Oo Booqasho Ku Jooga Sacuudiga Kuna Baaqay In La Soo Afjaro Dagaalka Ka Socda Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Boqorka Imaaraadka ayaa waxaa uu booqasho ku joogaa dalka Sacuudiga, isaga oo ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Cadan in ay xaalada Dajiyaan.

na13-salman.jpg

Booqashada Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ee isniinta shalay ayaa imaaneysa iyadoo xoogaga hubeysan ay sheegeen in gabi ahaanba ay kala wareegeen ciidanka dowlada iyo kuwa Imaaraadka magaalada Cadan.

Dagaalka ciidanka dowlada caalamka aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdu Rabu Mansuur Haadi oo taageero ka helaya xulufada Sacuudiga ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Cadan.

Labada dal ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii dagaal xoogan kula jiray xuutiyiinta Yemen oo talada dalkaasi badi la wareegay badhtamihii sanadkii 2014-kii.

War saxaafadeed ka soo baxay wakaalada wararka ee Imaaraadka ayaa mas,uuliyiinta Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ugu baaqeen labada dhinac ee ku dagaalamaya Yemen in ay wadahadlaan ayna si loo hakiyo colaada iyada oo la eegayo danaha shacabka Yemen.

Dhanka kale labada dal oo ku yaal gacanka qaliijka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan awood kasta oo qalqal ku ah amniga iyo xasiloonida Gobolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this