Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiradda Dadka Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Ceel-Afweyn Oo Korodhay Iyo Wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ugu Yaraan shan qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii dablay beeleed hubaysani ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa magaalada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.

ceele.png

Dadka dhintay ayaa kala ah saddex dumar ah iyo laba nin sida uu xaqiijiyey maayarka magaalada Ceel-Afweyn, Cabdirixiin Aw Yuusuf Axmed.

Ugu Horayna Maayarka oo weerarkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa dhintay saddex dumar ah iyo laba ragg ah, shantaa qof ayaa dhintay ilaa afar qofna waa dhaawac.

Ciidamadu meesha way soo dhexgaleen xabadiina way istaagtay, shuftadii weerarka soo qaadayna way ku daba joogaan.” Ayuu yidhi Maayarka magaalada Ceel-Afweyn.

Wararka ugu dambeeyay ee aanu ka helayno deegaanka Ceel-afweyn ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu degan tahay waxaana magaalada gacanta ku haya ciidammada kala duwan ee Somaliland.

wali si rasmi ah ugama hadal xukuumadda Somaliland xaaladan ka taagan deegaanka Ceel-afweyn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this