Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib U Milicso Weedhihii Adkaa Ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah wasiirradiisa ayaa la kulmay wasiirro ka socda Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Mr Cawad iyo wasiirka maaliyadda Mr Bayle.

Sawirka ay wada galeen oo si weyn saacadihii u dambeeyay u qabsaday baraha bulshada ayaa u qaadan waa ku noqday bulshada Somaliland maaddaama madaxweyne Biixi lagu yaqaanay weedho qallafsan iyo hadallo adag oo uu ku duro Farmaajo iyo xukuumaddiisa sidoo kalena uu hore Eng Faysal Cali Waraabe si adag ugu dhalliilay tagista shir Soomaaliya ku lahayd Biljamka.

Ma cadda in kulankan Sucuudiga ka dhacay ay jirto cid fududaysay laakiin, madaxweyne Biixi iyo wasiir Cawad waxay si adag dhalliilo isugu dhaafsadeen safarkii bishii hore madaxweyne Biixi ku tagay dalka Gini oo mid walba dal kale isaga oo eedda saaraya hadallo culus is waydaarsanayeen.

Madaxweyne Biixi ayaa ugu horayn eedayn kula dul kufay Talyaaniga isaga oo ka hadlayay weerar uu sheegay in Soomaaliya ku soo qaadday safarkiisa kaas oo ay ka mid ahayd in Soomaaliya xidhiidhka u jartay Gini waxaanu yidhi “Si wacan buu noo qaabilay (Alpha Conde) dabeedna weerarka Xamar baa yimid culays badan bay meelo badan ka mareen oo Talyaanigu ugu horeeyo. Hormuudka cadaadiska u weyn wadana Talyaaniga ayuu ahaa oo qolada Muqdisho u adeegaya.”

Wasiir Cawad oo maalmo kadib waraysi siinayay telefishanka Universal ayaa yidhi ““Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida: UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka, markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada hadasho.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this