Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Kulan Uu Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Wasiirro Reer Soomaaliya Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa farriin kooban oo culayskeeda leh hawada u mariyay madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay wasiirro Soomaaliya ah oo ay ku kulmeen Xajka.


Dr Cirro oo boggiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka kulanka ayaa ku dul qoray “”Inaad saamo jiidiyo, sanqadh-tirasho kala daa”! NO COMMENT!

cir.jpg

Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa iyadu muujisay in aanay weftiga Biixi raalli ka ahayn faafinta sawirka waxaanay si cadho leh Soomaaliya ugu eedaysay in ay wax walba siyaasadaynayaan sida Xoolaha, maamulka hawada, arrimaha bani’aadanimo iyo hadda oo ay kulankii siyaasadeeyeen iyada oo ka jawaabaysa hadalka wasiirka maaliyadda Soomaaliya faafiyay.

ayaa.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this