Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharraxiinta maamulka Jubbaland oo qaadacay liiska xildhibaanada la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Musharraxiinta u taagan hoggaanka Jubbaland ee sanadkan ayaa ka hor yimid liiska xildhibaanada cusub oo ay xalay ku dhawaaqeen guddiga madaxa banaan xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulkaasi.

Inta badan musharraxiinta ayaa si cad u diiday xildhibaanada la shaaciyey, iyaga oo uu tilmaamay in aysan ku qanacsaneyn, sida lagu soo xulay.

Musharrax Maxamed Ibraahim Shakuul oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa cod dheer ku sheegay in xildhibaanadan aysan aheyn kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka saxda ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Shakuul ayaa sidoo kale qaabka loo soo xulay xildhibaanadaasi ku tilmaamay mid sharci darro oo aan waafaqsaneyn Dastuurka mamaulkaasi.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in meesha laga saaray qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee loogu talagalay inay soo xulaan xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay guddiga madaxa banaan xuduudaha iyo doorashooyinka ay ku dhawaaqeen 73 xubnood oo ah liiska xildhibaanada cusub ee maamulkaasi.

Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto in 24-tanka bishan, iyadoo weli is jii jiid uu ka taagan yahay, sida loo wajahayo doorashadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this