Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag lagu tuhmayo Al-shabaab oo lagu qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amniga dowladda Puntland ayaa maanta degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku qabtay xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ku socday buuraleyda Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo ciidamada Puntland ay kula dagaallaman kooxo ka tirsan Al-shabaab.

Xubnaha la qabtay oo ka soo amba-baxay magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa gaarigii ay wateen lagu joojiyay kantaroolka degmada Badhan balse mid kamid ah oo isku dayay in uu cararo ayaa ciidanku toogasho ku dileen halka saddexdii kale oo isdhibayna la qabtay sid ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Badhan.

Xubnahan ku eedaysan Al-shabaab oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa sida la xaqiijiyay markii hore waxay ka yimaadeen dhanka Koonfurta iyagoo ka soo wareegay dhinaca Somaliland.

Saraakiisha Amnigu weli faahfaahin kama bixin agabka ay wateen raggan ee lagu soo qabtay inkastoo hadda ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Sidoo kale waxaa galabta la aasay ninkii afraad oo ciidanku toogasho ku dileen kadib markii uu isku dayay in uu baxsado.

PUNTLAND POST

The post Rag lagu tuhmayo Al-shabaab oo lagu qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this