Deeq A. Posted August 12, 2019 Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goor dhoweyd halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah. Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay hotel Boosaaso hortiisa waxaana dhaawacyo fudud ka soo gaareen laba askari oo saarnaa gaariga qaraxu gaaray sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Boosaaso. Wararka qaar ayaa sheegaya in labada askari oo dhaawacmay ay ka tirsanaayeen ciidanka badda Puntland ee PMPF. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites