Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad lagu laayay degaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in saaka halkaasi ay dad ku laayeen dableey hubaysan oo ka tirsan mid kamid ah beelo hore ugu dagaallamay degaanka.

Dableeyda ayaa sida la sheegayo rasaas ku furay dad ku sugnaa goob kaalin shidaal ah oo ku taalla degmada Ceel Afweyn waxaana rasaasta ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dadkii joogay kaalinta Shidaalka.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo kamid ahaa dadka kaalinta Shidaalka ku sugnaa ayaa ku dhintay rasaasta ay dableyda hubaysan rideen waxaana ku dhaawacmay laba qof oo la joogay ruuxa dhintay.

PUNTLAND POST

The post Dad lagu laayay degaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this