Sign in to follow this  
Deeq A.

Geeddi: Farmaajo marka uu xilka ka dego miyuu raadin doonaa maqaamka Xamar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cali Maxamed Geeddi oo R/W kasoo noqday dowladdii Mbagathi lagu soo dhisay ayaa si kulul ugu hadlay dhismaha maqaamka Muqdisho iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maalmahaan waday ololaha maqaanka caasimada.

Geedi ayaa su’aallo ka keenay sababta madaxweyneyaashii hore u laaleen maqaanka caasimada yeelato iyo su’aal uu is-weydiiyay oo aheyd madaxweyne Farmaajo goorta uu xukunka ka dego miyuu dhihi doonaa maqaamka caasimada hala sameeyo.

Cali Geeddi oo xiligaan ah la-taliyaha madaxweynaha ayaa hadalkiisa u muuqday weerar cad oo ku wajahan madaxweyneyaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay inay baabi’iyeen xaquuqdii caasimada iyo maqaankii ay yeelan laheyd.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in xiligii uu R/W ahaa in xukuumaddiisa ay diyaarisay sharciga maqaamka Muqdisho iyo in golle deegaan rasmi ah oo la dhisay ay doorteen guuddomiyaha gobolka iyo duqa Muqdisho, balse sharcigaasi uu baabi’iyay Sh. Sharif, Xasan Sheekhna dib u fiirin, sababta hadda ay u doodayaana ay tahay wax lala yaabo.

“Madaxweyne Farmaajo marka uu xukunka ka dego miyuu marka dhihi doonaa maqaamka caasimada Muqdisho hala sameeyo, intuu madaxweynaha yahay ayaa laga rabaa in maqaamkii Muqdisho la helo, in ummadaan madalaad yeelato, in 4-taan milyan ee bulshada xaquuq yeelato oo dad ay la xisaabtanto yeelato ayaa la rabaa” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada mucaaradka inaysan iska hor keenin shacabka iyo dowladdooda.

Wuxuu eeda maqaanka Muqdisho oo lasoo dhicin waayay ku eedeeyay xildhibaanada labada qaran oo mas’uuliyadooda uu sheegay inay gabeen, loogana baahnaa inay baarlamaanka mooshin ka geeyaan xaquuqda caasimada, isagoo tilmaamay in aysan jirin xildhibaan maalin ka hadlay iska daayeen aysan xitaa qalbiyadooda kusoo dhicin.

“Shalay anoo madaxweyne ah ayaa diidanaa, shalay anoo wasiir ah ayaa diidanaa in xaquuq yeelato caasimada Muqdisho, waxaasi caqli soconaayo ma ahan ee umadda ha isku noqoto, madaxda qaranka ee maanta jirta yeysan noqon kuwaan maanta sheegayo oo kale, ee markeey xilka ka tagaan dhihin hala sameeyo, halagu dhaqaaqo ayaan qabaa” ayuu yiri Cali Geedi, oo hadii ay sameyn weydo DF maqaanka caasimada ay xilkeeda ku weyn do onto.

Ugu Danbeyntii mar la weydiiyay Porf. Cali Maxamed Geeddi caasimada Muqdisho in ay dad gaar ah leeyihiin ayuu wuxuu ugu jawaabay. ” Soomaalida seddax waaye, qof deegaankaan asalkiiba loogu yimid oo u dhashay, qof yimid ee xuquuq ku yeeshay, iyo qof ku dhashay oo xuquuq yeeshay, waagii deegaan aheyd dowladnimada intaan la qaadan ayey aheyd markii dowlad la noqday deegaanka dadkii loogu yimid xaquuq gaar ah ayey yeelanayaan, adduunkeeyna ka jirtaa, caasimadaha adduunka dadka ay qabtaan xuquu siyaasadeed oo gaar ah ayaa la siiyaa, xuquuqda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda waa lala wadaagaa, macnaha waxay tahay iyagaa xukumaayo waase lala wadaagaa, lkn meeshaan caasimad waaye, caasimadna waxyna noqotay dad deegaanoo loo yimid iyo dad deegaan oo dhaqaale ku leh oo canshuur laga qaado” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo macho daro ku tilmaamay in la yiraahdo caasimada ku dhashay.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this