Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xeer ilaalinta Somalia oo fasaxday 8 mas’uul oo dil wadareed ku eedeysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta Soomaaliya ayaa fasaxday ugu yaraan 8 qof oo masuuliyiin ah, kuwaas oo ku eedeesnaa dembiyo isugu jira Dil wadareed iyo Barakicin dadweyne.

Dadkaan ayaa dhamaantood ah masuuliyiin Xilal ka haya maamulka Jubbaland saameen siyaasadeed iyo mid amni oo oculus-na ku leh degaanada Maamulkaasi, gaar ahaan Gobalka Gedo.

Xubnahaan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland, Taliyaha Ciidamada NISA ee maamulka Jubbaland u qaabilsan Gobalka Gedo, Guddoomiyihii hore ee degmada Beladxaawo, masuul katirsan qaybta amniga ee degmada Doolow iyo dhowr qof oo kale.

Liiska dadkaan ayaa waxaa loo gudbiyay hey’adaha u dooda Xuquuqda Bini-aadamka iyo Qaramada Midoobay, sida ay noo sheegeen masuuliyiin katirsan hey’ad maxalli ah oo Gobalka ka shaqeysa.

Masuuliyiintaan ku eedeysan tacadiyada ka dhacay Gobalka Gedo ayaa dacwad ka dhan ah laga furay magaalada Muqdisho markii uu Madaxweyne dalka ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, balse tan iyo markaas marna ma imaanin maxkamad iyadoo sidoo kale Garsoorka Soomaaliya aysan u yeerin masuuliyiinta la eedeeyay.

Sarkaal sare oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kana-tirsan hey’adda Faanoole ee ka shaqeysa Gobalada Jubbooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay in Xeer ilaalinta Soomaaliya ay fasaxday dadkaan 8-da qof ah ee ku eedeysan Dil wadareed iyo Barakicinta dad Shacab ah.

Dilalka ugu badan ayaa ka dhachay Gobalka Gedo ee Soomaaliya waxaana ugu sii daran degmooyinka Doolow, Beladxaawo, Luuq iyo Baardheere halka qaar kalane ay ka dhaceen Gobalka Jubada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this