Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Beesha Daa’uud oo ku heshiin la’ hal murashax oo la isku raacsan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Geeridii Duqii magaalada Muqdisho iyo guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisoow kadib, markii laga gudbay tacsidii qarameed waxaa soo baxay murashaxiin fara badan oo xilkan u taagan.

Seddax ka mid ah waxay kasoo jeedaan beesha Da’auud oo xilkaasi doonaya in ay hantaan, hase ahaatee mid walba uu dhinac u ordaayo, siyaasiyiin beesha ahna taageerayaan.

Warar hoose oo Caasimada Online heshay ayaa xaqiijinaaya in sedax murashax oo ku heyb ah Eng. Yariisoow Allaha u raxmadee balse kala jufo ah inay xilkaasi xusul duub ugu jiraan, kuwaasi oo beesha Daa’uud ee ay ka dhasheen ka dhex abuuray loolan adag iyo in mid walba jufadiisa dhinac u orodo.

Seddaxda murashax ee xilkaasi u hanqal taagaya ee kala ah AVV. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegeey) oo ahaa guddoomiyihii guddigii doorashada baarlamaanka xiligaan haddana ah La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee dhinaca sharciga isla markaana ah aqoonyahan dhinaca sharciga bartay waaya aragna ah. Cumar C/llaahi Xasan, qurba joog soo noqday Guddoomiyihii degmada Wadajir, balse xilkaasi laga qaaday, iyo Cali Gacal oo Agaasimaha Gaadiidka cirka iyo dhulka. Dhamaantood waxay kasoo wada jeedaan beesha uu ka dhashay Marxuun Yariisoow.

Kulamo gaar gaar ah oo lagu mideynayay murashaxiintaasi ayaa guuldareystay kadib markii waxgaradka beesha ay ka dhasheen ay soo jeediyeen in ay haboon tahay in hal murashax lagu midoobo, xooggana la isla saaro si loogu guuleysto murashaxiinta kale ee xilkaan dooneysa in loo magacaabo.

Tafaraaruqa iyo midnimo la’aanta in hal murashax ay isku raacaan ayaa noqotay mid niyad jab ku riday waxgaradka beesha, oo uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa tacsida Eng. Yariisoow ee madaxda dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ugu imaanayeen.

Hase ahaatee, waxaa socda dadaalo lagu mideynayo murashaxiintaasi, inkastoo beesha ay dooneyso in xoogga la saaro aqoonyahanka rug caddaaga ah ee Abuukaate Cumar Dhegeey oo ay u arkaan inuu mudan yahay in xilkaasi qabto, halka Cali Gacal loo sheegay inuu xilkiisa agaasinimo dhuuqsado, Cumar C/laahi Xasan isna horay loo soo tijaabiyay oo uusan madaxda dowladda qaarkood taageero ka heysan, sababta xilka guddoomiye degmo looga qaadayna ay meesha ku jirto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this