Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal arrin oo fashilineysa qorshe Somalia ka dhan ah oo Kenya ay ka waddo QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa hogaaminaya qorshe xooggan oo dalkiisa uu ku doonayo inuu ku helo xubin ka mid ah 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee 15-ka dal ee Golaha Ammaanka QM.

Kenya ayaa dooneysa inay xubunnimada Golaha Ammaanka u adeegstao fursad ay golaha uga dhaadhiciso inay taageeraan mowqifkeeda ku aadan in wada-hadal lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ka laabato kiiska horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Haddii Kenya ay ka mid noqoto 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ma heli doonto awood ay uga codeyso arrimaha muhiimka ah sida amniga, hase yeshee ka mid ahaanshaha golaha ayaa u saamixi doono fursad ay taageero ku raadsato, islamarkaana qiil ugu hesho in laga laabto kiiska maxkamadda.

Tusaale, Golaha Ammaanka, ayaa haddii Kenya ay ku dhaadhiciso in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya uu halis ku yahay nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu labada dal ku boorin karaa inay wada-hadlaan, taasi oo ah waxa Kenya ay dooneyso.

Si kastaba, dadaalka Kenya ayaa waxaa fashilanaya hal arrin oo ah, waqtiga oo aad ugu gaaban Kenya.

Xubinnimada Kenya ayaa waxaa loo codeyn doonaa marka Golaha Ammaanka uu codka qaado bisha June ee sanadda 2020, waxaana haddii Kenya ay ku guuleysato ay kursiga ku fadhin doontaa inta u dhaxeysa January ilaa December 2021.

Dhinaca kale, dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa mar kale ay maxkamadda ICJ dhageysan doontaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 13-ka September ee 2019, waxaana la filayaa in go’aanka maxkamadda lagu dhowaaqyo sanadka 2020 dhexdiisa.

Sidaas darteed, xitaa haddii Kenya ay hesho xubinnimada Golaha Ammaanka, waxay u badan tahay inay kusoo aado mar go’aanka ICJ la gaaray. Waa suurta-gal in go’aanka ICJ u dhaco ilaa sanadda 2021, balse uma badna sidaas. Waa taas sababta Kenya ay mar isugu dayday in ayada oo soo mareysa Itoobiya ay Soomaaliya ka codsato inaa hal sano la hakiyo kiiska, lana wada-hadlo, taasi oo Soomaaliya ay diiday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this