Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo Israel ka dalbaday arrin halis ku ah Ilhaan Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dagaal siyaasadeed kula jira Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka ayaa Israel ka dalbaday arrin halis ku ah Ilhaan iyo gabadha kale ee Rashida Taib oo ay ku wada jiraan baarlamaanka dalkaasi.

Trump ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu in uusan qaabilin Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib oo bishan booqasho ku tegaya dalkiisa.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa shaaciyey in Ilhaan iyo Rashida labaduba ay ka mid yihiin cadowga Israel, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey in had iyo jeer ay ka shaqeeyaan arrimo ka dhan ah jiritaanka Israel.

Ugu dambeyn Trump ayaa kula taliyey Netanyahu in labadaani xildhibaan laga mamnuuco guud ahaan dhulka Israel.

Dagaalka u dhexeeya Madaxweyne Donald Trump iyo labadan gabdhood oo isku dhinac ah ayaa soo shaac baxay wixii ka dambeeyey doorashadii Mareykanka ee 2016-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this