Deeq A. Posted August 12, 2019 Garowe (Caasimada Online) – Shaqaale Ajaaniib ah oo u dhashay Thailand, islamarkaana in muddo ah lagu heystay gudaha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay dalkooda. Shaqaalahan oo tiradoodu ay gaareysay illaa 18, islamarkaana ahaa Kalluumeysato ayaa ku sugnaa xeebaha maamulka Puntland. Wargeyska Bangkokpost ayaa qoray in shaqaalahani ay muddo dheer ku xanib naayeen biyaha bari ee Soomaaliya, islamarkaana lagu hayey tacadiyo dhanka shaqada ah. Raggan ayaa xilliga la qabanayey la socday Doon Kalluulmeysi oo magaceeda lagu sheegay Wadani One. Qoysaska raggan Ajaaniibta ah ayaa horay u dalbaday in dib loo soo celiyo wiilashooda, kuwaas oo sheegay in lagu shaqeysto, laguna dhibaateeyo gudaha Soomaaliya. Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale gacan weyn ka geysatay dib u celinta Ajaaniibtaasi oo hadda dib ula miidoobay qoysaskoodii. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites