Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayey Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgallada oo ah kuwo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda agagaarka degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkii ugu dambeeyey ay ku dileen illaa 16 ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in howlgalkaasi uu ka dhacay inta u dhexeysa Bariire iyo Awdheegle, kadibna dagaal ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen xubnahaasi.

“Waxaan howlgal qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysanay Al-Shabaab oo iyagu u bareera had iyo jeer daadinta dhiigga iyo dhacca xoolaha shacabka Soomaaliyeed, waxaana dilnay 16 dagaalame oo Shabaab ah.” ayuu yiri mid ka mid ah  saraakiisha ciidamada ee hoggaamineysa howlgalladaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo dhowaan la wareegay Awdheele ayaa maaalmihii dambe howlgallo xoogan ka waday nawaaxiga degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this