Sign in to follow this  
Deeq A.

Col. Caare oo aqbalay inuu la heshiiyo SOMALILAND

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online ) – Suldaan Axmed Cismaan (Cadda-Gude) oo ah guddoomiyaha guddiga dhex dhexaadinayo Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Siciid Cawil Jaamac (Col. Caare) iyo maamulka Somaliland ayaa ka warbixiyey meesha ay marayaan wada-hadallada u socda labada dhinac.

Suldaan Cadda-Gude ayaa sheegay in dadaallada ay wadaan ay ka gaareen guulo ku aadan in la soo afjaro dagaalka ka dhexeeya.

Sidoo kale Suldaan ayaa carabbka ku dhuftay in Col. Caare uu aqbalay heshiiska, islamarkaana ay sugayaan kaliya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo haataan dalka boqortooyada Sucuudiga sanadkan ugu maqan gudashada Acmaasha Xajka .

Ugu dambeyn Suldaan Axmed Cismaan (Cadda-Gude)  ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan gobolka Sool, si ay dadka deegaanku u helaan nabad waarta.

Col. Caare oo horay uga tirsanaa saraakiisha ciidamada Somaliland, balse ka goostay maamulkaasi, ayaa ku dhawaqaay jabhad la magac baxday Dulmi Diid, taas oo marar badan weeraro ku qaaday ciidamada maamulkaasi ee ku sugan gobolka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this