Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Jubaland oo jawaab ka bixiyey warqaddii beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey warqad uga timid xubnaha Beesha Caalamka, oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dhacay bishan.

Warqadaasi oo uu ku saxiixnaa ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan ayaa lagu muujiyey walaac ay ka qabaan saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka doorashadda Jubbaland.

Qoraalka James Swan ayaa qayb kamid ah lagu yiri: “Sidee Guddiga u xaqiijin karaa in dhamaan musharixiinta si siman uga wada qeybgali karaan tartanka?”.

Sida ku xusan qoraalka jawaabta ah ee guddiga taasi oo uu GO arkay, waxuu Guddigu sheegay in ay kalsooni weyn ku qabaan in doorashada ay yeelato sifooyinkii looga baahnaa, ee ah inay si xor iyo xalaal ah ku dhacdo.

“Geedi u socodka doorashadda waa mid loo wada dhan-yahay,” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka guddiga, iyadda oo ay jiraan tabashooyin ka imaanaya musharixiinta.

Hadalka guddiga ayaa kusoo beegmayaa xili dowladda federaalka ay shuruud uga dhigtay aqoon-sashada natiijada kasoo baxda doorashada in la maro habraaca ay u dejisay.

Habraaca ayaa waxaa ugu muhiimsan saddex qodob oo kala ah;

In Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka diiwaan-geliso odayaasha soo xulaya Xildhibaanada baarlamaanka cusub.

In guddi doorasho la sameeyo kadib doorashadda gudoonka baarlamaanka kaasoo diyaarinaya doorashadda Madaxweynaha cusub, meeshana laga saaro midka haatan shaqeynaya.

In doorashadda ay ka dhacdo midkood xarunta Qaramada Midoobay ee magaaladda dekadda leh ee Kismaayo ama Taliska Booliska xarunta Jubada Hoose.

Si kastaba, Jubbaland oo horey u diiday soo jeedinta dowladda Federaalka ayaa ku adkeystay in arrimaha doorashooyinka ay yihiin kuwa u gaar ah maamulkan, oo isaga kaliya go’aamin karo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Jubbaland hogaaminaya tan iyo aas-aaska maamulkaasi, 2013-kii, ayaa hadda kamid ah musharixiinta, isagoo doonaya in mar 3aad la caleemo saaro.

War-saxaafadeedka Guddiga Doorashooyinka oo English ku qoran

Response-letter-to-UNSOM-1.jpg Response-letter-to-UNSOM-2.jpg Response-letter-to-UNSOM-3.jpg

Xigasho: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this