Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: BF Soomaaliya oo qaadaya tallaabo ka dhan ah ciidamada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dhawaan Xubno ka tirsan baarlamanka Kenya ayaa baarlamaanka dalkaas waxaa ay u gudbiyeen mooshin ay ku dalbanayaan in Ciidamo la geeyo Dhul Baddeedka Soomaaliya, oo ay Kenya muranka gelisay, waxaana tallaabadaas ka jawaabay Xildhibaano ka tirsan Baaralamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa sheegay in Kenya derisminada Soomaaliya kala dhaxeysa ay wax badan xeerisay, hayeeshee Kenya ay horseedo in dhibaatada Soomaaliya heysato inay uga faa’iideysato aysan jirin wax uga daran.

“Horay ayaa loogu maah maahay Nin degan Guri muraayad lehoow dhagax tuuryo ha bilaabin,laakin waxaan leeyahay Kenya hadaad isku-daydo in aad ka faa’iideysato Nabad la’aanta heysata dadka Soomaaliya ayna kuu gacan haatinayaan dad aan waxba kuu teri doonin” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Sidoo kale Xildhibaanka oo Wareysi siinayay Tv-ga Somali Cable ayaa waxaa uu sheegay in hadii Baarlamaanka Kenya ay anisixiyaan mooshinka la horgeeyay ee ku saabsan in ciidamo la geeyo Badda Sooomaaliya oo ay Kenya muranka gelisay ay iyana Baarlamaanka Soomaaliya anisixin doonaan mooshin dalka looga saarayo Ciidamada Kenya.

Dhinaca kale, xildhibaan Cali Jowhar oo ka mid ah Golaha Shacbaka ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in Xildhibaan Aadan barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya uu yahay Shaqsiga Baarlamaanka dalkaas u gudbiyay mooshinka,isla markaana uu ka leeyahay dano siyaasadeed oo u gaar ah.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in hadiiba dowladda Kenya ay ku dhawaaqday tallaabo Millateri aysan ka dhaxeynin wax xiriir ah, waxaana uu sheegay in qorshaha uu wado Baarlamaanka Kenya aysan u socon doonin dadka soomaaliyeedna ay midoobi doonaan.

Hoos ka dhageyso codadka xildhibaan Dalxa iyo Cali Jowhar

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Codadka-xildhibaannada-Golaha-Shacabka-1.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this