Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo salaadda Ciida Carafo ku oogay masjidka Shuhadada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladdaFederaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday masjidka Shuhadada madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka daawo dhammaan

  • 1-30.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-28.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-32.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-30.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-28.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-24.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo salaadda Ciida Carafo ku oogay masjidka Shuhadada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this