Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo kumanaan shacab ah Salaada Ciidda la tukaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta salaadda Ciidda kula dukaday masjidka Isbaheysiga Islaamka kumannaan ruux oo ka mid ah bulshada ku nool gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha oo Salaadda kadib la hadlay Kumannaanki Shacabka ahaa ee Salaadda ku dukaday Masjidka Isbahaysiga ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa, isagoo u rajeyay in ay ku Ciidaan farxad iyo Caafimaad.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Culimaa udiinka Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinti Shacabka kula dukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka, iyagoo Hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidda u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

  • 1-28.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-26.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-30.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-28.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-26.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-22.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo kumanaan shacab ah Salaada Ciidda la tukaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this