Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Shacab weynaha Caasimadda Garoowe La oogey Salaadda Ciidul Adxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda ciidul Adxaha, Gar ahaan Garoonka kubadda cagta Mire Awaare.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale la oogey salaadda ciidda shacabkiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimmo, nabadoonno, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa munaasabadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhammaan ummaadda islaamka ah, ummaada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland-ba ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda ciidul adxaha.

Marka ugu horaysan waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan ummaadda Muslimiinta ah ee adduunka, shacabka Soomaaliyeed, kuwa reer Puntland waxaan ugu hambalyaynayaa munaasibadda ciidul Adxa fadligeeda oo ah munaasibad ku weyn dadka muslimiinta ah, shalay carafaa la taagnaa, maantana muslimiintu waxay ku ciidaysaa Ciidul Adxa, waxaan Alle ka rajaynaynaa ummaadda muslimiinta ah meelkastay joogto iyo dhibaatada ka jirta dalalka muslim ka ah inuu ka dulqaado”.

Waxaan sidoo kale ummaadda Soomaaliyeed u rajaynayaa cilmi fiican, nabadgelyo iyo deganaansho uu siiyo, dhibaatooyinka haystana uu ka dulqaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.


Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo la qaybsanaya muslimiinta caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba farxadda ciidul adxaha ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland munaasibadda maalintani weyn.

Waxaan ummadda Islaam ka ah ugu hambalyaynayaa munaasibadda maalintani, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa leeyahay farxad ku ciida, intaasi kadib waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaashataan nabadgelyadiina, Puntland cadaw badan bay leedahay gude iyo debedba, kuwo shayaadiin ah iyo kuwo kale oo xuduudaha inagaga soo duula labadaba inaan dalkeena ka difaacanaa waa waajib”.

Puntland waxaa lagu dhisay isku duubni, wadatashi iyo dulqaad intaaba Puntland hadda waa looga baahan yahay, waxaa looga baahan yahay Samir, waxaa looga baahan yahay wadatashi, waxaa looga baahan yahay isu tanaasul, waxaynu maqlaynaa in beelaha qaarkood guuxyo iyo waxjiraan, waxaan u sheegayaa Puntland dulqaad bay u baahan tahay, isku duubni bay u baahan tahay, way kusoo caana maashay, Xukuumaddatan aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay wixii wax qabada inay la fadhiisato oo qanciso, lakiin caado umalahaan jirin in beelo shirshiraan oo hadalo soo saaraan, waxana ku boorinayaa xukuumadda in arrintaasi laga hawlgalo” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda.

Hoos ka daawo dhammaan

  • 1-29.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-27.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-31.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-29.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-27.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-23.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-22.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-18.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-17.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 13-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 14-8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2c20805a-0047-4b50-b52b-d3601002e51f
  • d3155f3c-e41e-4819-be10-500899895e68

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo Shacab weynaha Caasimadda Garoowe La oogey Salaadda Ciidul Adxa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this