Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo sheegay in dowladda Soomaaliya door laga siinayo doorashada Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo u rajeeyay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shacabka ree Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan hay”adaha amaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay.

Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban yahay loona baahan yahay in shacabka loo adeego.

Dowlada Federaalka ah ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaaalad abuurka ay Wado uuna dan u ahayn shacabka taas oo mar walba xaalada uga sii daraysa isla markana burbur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday.

Hoos ka daawo khudbaddiisa iyo sawirada

  • 1-31.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-29.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-33.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-31.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-29.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-25.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-23.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-18.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12-11.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo sheegay in dowladda Soomaaliya door laga siinayo doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this