Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska gobolka Bari oo bandow gaadiid saaray magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Bari.jpg?w=1000&ssl=1G/sare Xuseen Cali Maxamud

Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa ku amray shacabka magaalada Boosaaso in aan wax gaadiid ah la isticmaali karin laga bilaabo caawa 12:00am ilaa 10:00am ee berri oo Axad ah kuna beegan maalinta Ciidda ah.

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegay in go’aankan ay u qaateen si loo adkeeyo amniga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland maadaama ay dad badani soo baxayaan si ay salaadda Ciidda u ogaan.

Sidoo kale maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliiska gobolka ayaa mamnuucay in Lagu tukado Garoonka/Isbartiibada Kubadda cagta Boosaaso Horay Saladaha Ciidda loogu tukan Jiray.

Hoos ka daawo go’aannada ka soo baxay Booliiska

PUNTLAND POST

The post Booliiska gobolka Bari oo bandow gaadiid saaray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this