Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya ee Jubada Hoose ku gubay gaadiid ay lahaayeen shacab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidamada Kenya,  gaar ahaan kuwa loo yaqaano argagixiso la dirirka ee dalkaasi ay gubeen illaa labo gaadiid ah oo lahaayeen dad Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa la sheegay in gawaaridaasi oo ahaa kuwa Xamuulka qaada ay dab ku qabad siiyeen agagaarka deegaanka Libooya oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay ciidamadu gubeen gaadiidkaasi.

Inta badan ciidamad Kenya ayaa dhibaatooyin ka geysta deegaanada dhaca xadka Soomaaliya, marka ay halkaasi ka fulinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay marar badan falal bur burin ah kula dhaqaaqeen xarumo isgaasiineyd oo ku yaalla gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Arrintan ayey dad u badan u arkaan in ay Kenya uga aar gudaneyso weerarada Al-Shabaab la beegsato xarumaha ganacsiga iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan ee dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this