Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida ay C/raxmaan Cumar Cusmaan ugu baxday naaneysta Injineer Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadda oo ay isa soo tarayaan dadka aadka uga fal-celinaya geerida naxdinta leh ee gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqii Muqdisho, haddana qof walba dhinac ayuu ka eegayaa.

Inaha ay dadku ka eegaya ayaa waxaa kamid ah; shaqadiisa, shaqsiyadiisa iyo howlihii uu dalka u soo qabtay mudadii uu noolaa.

Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, Jimcadii, waxaa lagu qabtay isu soo bax loogu duceynayey marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, taasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu madaxweynaha ugu sareeyo.

Isu soo baxa ayaa waxaa lagu qabtay garoonka Banaadir kaasi oo haatan loogu magac-daray marxuumka, uuna si rasmi ah ugu dhawaaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Marxuumka ayaa dadka looga dhex-yaqiinay naaneysta “Injineer Yariisow”. Dad badan waxaa laga yaabaa in ay is-waydiinayaan ama ay jeclaan lahaayeen in ay ogaadan qaabka ay ugu baxday naaneystaasi.

Hodan Cali, agaasimaha Waaxda Arrimaha Bini’aadanimadda ee maamulka gobolka Banaadir oo maqaal ka qortay dhimashada Cabdiraxmaan ayaa soo bandhigtay sheekadda ka dambeysay naaneystaasi.

Qormadda oo ciwaan looga dhigay; Waan sii wadaynaa noloshii holaca ee duqa, ayaa waxaa lagu daabacay wargeyska afka dheer ee Daily Nation kaasoo kasoo baxa Nairobi, magaala madaxda Kenya.

Sidda ku xusan faaladda, dulucda naaneystaasi ayaa waxay ahayd in uu ahaa Injineerka ugu da’da yar fasalkii uu dhinayey markii uu ardayga ahaa.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow ayaa waxa uu ku dhushay degmada Hodan ee gobolka Banaadir taariikhdu markay ahayd, 16-kii August sanadkii 1965-kii.

Waxbarashadiisa dugsi hoose, dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey Jaamacadda Gaheyr, kuliyadda Civil Engineer, sanadkii 1986-kii.

Hodan ayaa la sheegay in ay kamid ahayd shaqsiyadii ugu dambeeyay ee la kulmay marxuumka daqiiqado kahor inta uusan dhicin qaraxaasi oo ay dowladdu sheegtay in ay fulisay haweenay araga la’.

Qoftaasi dumarka ah oo shaqaalaha xafiiska Yariisow kamid ah isla markaana garab ka heshay ruux kale oo isla dumar ah kuwaasi oo adeegsaday magacyo been ah markii shaqadda loo qorayey.

Haweenayda is-qarxisay ayaa sheegatay magaca Basiira Cabdi Maxamed, balse baaritaan kadib waxaa lagu ogaaday in midka saxda ah uu yahay Maryama.

Maryama oo indhoole ahayd ayaa kala shaqeyn jirtay Yariisow u gargaarida dadka naafada ah, waxaana ay ka heshay marxuumka soo dhaweyn iyo garab istaagid, waxayse ugu badashay dil.

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo si yaabo kala duwan ug fal-celiyay is-qarxinta haweenayda ayaa waxay ku tilmaameen “naxariis-lay iyo mid abaal-daran”.

Sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da, haweenaydan ayaa maalmihii ugu dambeeyay oo ay kulmaan Yariisow waxa uu siiyey aduun dhan tobban kun oo dollar.

Lacagtaasi ayaa loogu gacan-geliyay ka gedaal markii ay sheegatay in ay daaweyn u adeeyso dalka Hindiya. Balse baaritaan la sameeyay waxay muujiyeen in ay ku aadan mid kamid ah degaanada ay Al-Shabaab maamusho.

Eng Yariisow oo kasoo muuqday dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray ayaa soo qabtay xilal ay kamid yihiin; Lataliye sare oo xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo lataliye sare si lamid ah afhayeenka xafiiska madaxweynaha.

Xigasho Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this