Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxii xarunta gobalka oo sababi doono arrin halis ku ah dad gaar ah (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Xanuunka badnaa ee ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa isa soo tarayay dedaalo lagu adkeynayo ammaanka Xarumaha Dowladda iyo Guud ahaan Xafiisayda kale ee Ciidamada iyo Goobaha Ganacsiga.

Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba (Naafada ah), ayaa waligood aad looga qiimeeyaa Soomaaliya waana faraya Qur’aanka Allah iyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya balse wixii ka dambeeyay Qaraxii Xarunta Gobalka Banaadir waxaa muuqata in ay wajahayaan Xaalado adag.

Xafiisyada Dowladda iyo dhamaan Xafiisyada kale ee Ciidamada iyo hey’adaha sida gaarka ah loo leeyahay ayaa bilaabay in dadka Naafada ah ku daraan shacabka sida gaarka ah la isaga ilaaliyo oo aysan markii hore ku jirin.

In il gaar ah lagu eego dadka Naafada ah waxaa sabab u ah Al-Shabaab oo soo xiraya dhamaan albaabada Naxariista maadaama ay qof dumar oo aragga Naafo ah ay ku soo xireen Waxyaabaha Qarxa kadibna ay ku laayeen masuuliyiin badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay Garoonka Kubadda Cagta Eng Yariisow ka sheegay in Al-Shabaab ay soo xireen albaabada naxariista islamarkaana ay u baahanyihiin in la iska ilaaliyo.

Allah ha naxariistee, Guddoomiyihii Gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa u dhintay weerar ay fulisay Gabar Naafo ah oo uu shaqaalaysiiyay, siiyay fasax markii ay codsatay iyo Lacag dhan 10 kun oo doolar.  Wararka qaarna waxay sheegayaan in uu fasaxay in aan la baarin kadib markii ay dhibaato badan ka martay qalabka Baarista.

Al-Shabaab, malahan naxariis diin iyo dadnima midna waxaase haboon in aysan umadda Soomaaliyeed faqooqin islamarkaana la badalin hab-dhaqankii wanaagsanaa ee oo ay Soomaalida ku dhax-lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this