Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta uu Mareykanka u diiday dalabka Kenya ee ah in Al-Sabaab lagu daro liiska argagixisada caalamiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka soo horjeesatay codsi dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobey kaas oo codsanayay in Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay liiska argagixisada ku daraan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Diblumaasiyiin iyo danjireyaal hore ayaa dowladda Mareykanka u gudbiyey baaq ka dhan ah warqad ay dowladda Kenya uga codsaneyso golaha ammaanka ee QM in Al-Shabaab lagu daro kooxaha argagixisada.

Xubnahan oo gaarayey illaa 16 diblumaasi ayaa warqad u qoray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, waxaana ay ka dalbadeen in xukuumadda Washington ay gabi ahaan diiddo codsiga Kenya.

Diblumaasiyiintaan ayaa sheegay dhibaato xoogan ay ka dhalan karta, haddii ay QM qaadato soo jeedinta Kenya ee ah in Al-Shabaab loo aqoosado koox argagixiso ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in hay’adaha samaflka qaarkood ay hadda ka howlgalaan deegaanada Al-Shabaab, balse haddii la fuliyo dalabkaasi uu meesha ka saari karo howlaha gargaarka, islamarkaana ay qatar gali karto nolosho Soomaali badan.

Dhowaan ayey aheyd markii xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau uu shaaciyey in dowladdiisu golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay ka dalbatay in Al-Shabaab lagu daro liiska kooxaha argagixisada ee ka jira caalamka.

Al-Shabaab oo ah koox hubeysan, kana dagaalanta Soomaaliya ayaa weeraro khasaaro geysta ku qaada dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this