Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo shaacisay in ay tallaabo ka qaadeyso sharikado dayacay xujeyda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xugeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa ku eedeyay qaar ka tirsan Shirkadahii keenay xujeyda in ay si khaldan u maamuleen guryahii Xujeyda ee Mina.

Wasiirka oo ka mid ah Guddiga dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Kormeerida Xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Shirkaddaha qaarkood ay sameeyeen Dayacaad weyn.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay tilaabo ka qaadi doonto, islamarkaana si adag loo la xisaabtami doono 4 Shirkadooda oo uu sheegay in ay marsiiyeen hanaan qaldan Xujeyda Soomaaliyeed Qaarkood.

Waxaa uu xusay in sidoo kale Gaadiidka Basaska ee xujeyda qaar u qaadi lahaa Mina aysan helin islamarkaana howshaas ka gaabiyeen Sharikadihii diyaaradaha ee daabulay.

Sawirro laga qaaday Xujeyda islamarkaana la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya iyaga oo jiifa dhulka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan dhowr sharikadood u oggolaatay in ay Xujeyda Soomaalida geeyaan Xajka,waxaana jiray tartan la geliyay in ka badan 80 Sharikadood.

Tartanka ayey xukuumaddu sheegtay in ay ku soo baxeen 58 sharikadood kuwaas oo xaq u yeeshay in ay xujeyda daabulaan.

Hoos ka dhageyso wasiirka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Wasiir-ku-xugeenja-Awqaafta-iyo-Arrimaha-Diinta-ee-Soomaaliya-oo-ku-eedeyay-q.mp3

EBf3jUIXkAUc7NB.jpeg67659113_2821033034615281_7570932057468067897505_2821032941281957_36361309908096

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this