Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Mahad Salaad oo 9 su’aal ka keenay qaraxii lagu dilay Injineer Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aad u dhaliilay warbixintii natiijada baaritaanka ee ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, isaga oo soo bandhigay sagaal su’aal oo aan weli laga jawaabin. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay facebook.

Dhiiga Eng. Yariisow iyo saaxiibadiis ammaano ayuu ku yahay qof kasta oo mas’uul dowladeed ah!

Wasaarada Amniga shalay waxay soo saartay warbixin aan wax nuxur ah lahayn, dhammaystirnayn, kana jawaabayn su’aalo aad muhiim u ah; sida:

1. Qofka meesha isku qarxiyay oo aan la shaacin magaciisa, shaqada uu hayay, sida uu uga soo gudbay goobaha baarista isagoo sita walxaha qarxa ee sidaas u weyn iyo sida uu ku soo galay goobta shirka?

2. Qofka warbixintu sheegtay inuu is qarxiyay, sidee uga mid noqday madaxda gobolka, muddada uu ka shaqaynayay, habka uu shaqada ku soo galay, cidda shaqaalaysiisay iyo habraaca loo maray shaqaalaysiintiisa?

3. Yaa mas’uul ka ahaa baarista albaabada, maxaa tallaabo ah oo laga qaaday saraakiishii gaboodfalkaas amni sameeyay, immisa qof ayaana loo xiray dhacdadaan naxdinta leh?

4. Maxaa loo damiyay kaamarada ku xirneed hoolka shirarka ee qaraxu ka dhacay kahor intii uusan qaraxu dhicin?

5. Saraakiishii yimid goobta qaraxu ka dhacay maxay ula baxeen xog-kaydiyaalkii Kaamarooyinka ku xirnaa xarunta gobolka (Camera Memory), iyadoo ay joogto hay’adii ku shaqada lahayd ee Dambi Baarista (CID)?

6. Saraakiishii ku fashilmay ilaalinta amniga xarunta gobolka Banaadir sidee loogu aaminay in ay qayb ka noqdaan gudigii baaritaanada sameynayay?

7. Ma dhici kartaa inay jiraan shaqaale ama madax kale oo iyagana ka tirsan argagixisada oo wali ka shaqeeya xarunta gobolka Banaadir diyaarna u ah fulinta falal kuwaan oo kale ah amaba ka sii foolxun?

8. Haddii xaruntii gobolka Banaadir ee amnigeedu aadka u adkaa sidaan loo beegsaday, ma dhici kartaa in xarumaha kale ee dowladda in iyaguna ay dayacan yihiin sida: Madaxtooyada, Golaha Wasiirada, Goleyaasha Barlamaanka iyo Garoonka diyaaradaha?

9. Haddii warbxinta aanay dhammaystirnayn, laba todobaad kadib, goorma ayeey soo dhammaystirmaysaa?

Dhiiga Eng. Yariisow iyo saaxiibadiis ammaano ayuu ku yahay qof kasta oo mas’uul dowladeed ah, sidaas daraadeed waa in la sameeyo gudi madaxbanaan oo khibrad iyo aqoon lagu soo xulay, baaritaano tifaftirana soo sameeya, si looga gungaaro xaqiiqada dhabta ah ee masiibadii ka dhacday xarunta gobolka Banaadir.

Hon. Mahad Salad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this